Tuesday, August 1, 2017

Edna Adan Hospital Ma sidaan ku moodayay mise Sidaad noqotay!!!! W/Q Khalid Idan Yousuf



Waxay ahayd Abaaro 1:20 PM Maalinnimo Waxa aannu sidnay Gabadh xanuunsanaysa, waxaanu soo gaadhnay Kadinka hore ee Isbitaalka oo ay taallo Birta dheer ee Gawaadhidda loo dhigo. Waxa naga qaaday nin horjooge ka ahaa Albaabka Isbitaalka. Waxaannu soo aadnay Kadinka laga galo Qaybta Gargaarka Degdega ah(Emergency Department). Waxaannu Codsanay in la noo keeno Kursiga lagu riixo Dadka bukaanka ah. Wax yar ka dib waxa la noo keenay kursigii, Waannu saarnay gabadhii Gudaha hore ayaanannu u soogalinay.

Gudaha ayaannu soo galnay annaga oon garanayn meel  aannu ugu hagaagno cidda ay khusayso , ee wax noo qaban doonta.  Meesha waxa ka buuxa Hablyo yar yar oo gashan Dharkii dakhtaradda, Dirayska Cad.
Waxaannu Filaynay in lana caawin doono, balse kolba dhinac ayuunbaa la noo dhaafay, mar dambe ayay Gabadhi na gaysay Sariir,Halkan jiifiya ayay tidhi aan cid idiinku yeedhee”. Cidiba way nagu soo noqon wayday, Waxaan u yeedhay Mid ka mida hablihii meesha ka buuxay, waxaan u sheegay inaanu u baahanahay cid noo Cabirta Gabadha. Waxa noo yimid gabadh kale oo noo cabirtay.

Goorsheegtu markay ahayd 4:00 pm, Ayaannu go’aansanay in aannu Meesha ka qaadno Gabadhii. Kadinka markaannu marayno ayuunbaa lagu baraarugay, Waxa dhagahayga ku soo dhacay hal mar”Qoladdan baxaysaa xagay ku jireen, Dhakhtarkee u shaqeeyay, Faylkoodii mee”?. Hadda cidba nooma shaqayn ee kolbay Gabadhi na cabirtay. Waxa ii yeedhay Wiilkii Xafiiska hore fadhiyay, Waxa uu igu yidhi” $5 Keen Dhakhtar Heblaayaa Idiin shaqaysee”, Anna waxaan ku idhi sowtii cid noo shaqaysa aannu waynay.Balse Lacagtii waannu bixinay Dhakhtarkiina waannu ka soo baxnay..

Haddaba Edna Adan Hospital waxaan u haystay meel Shaqo wanaagsan, Oo dhakhtaro wanaagsan. Balse waxaan kala kulmay Waxaan loo noqon doonin.. Xero ullo badan oo Ul laqaato lahayn…

1 comment:

  1. Runtii waa dhacdo laga murugoodo,wax kaleba halagu murmo haaayeeshee qof xanuusanaya oo xaaladda degdegga ah ku jira waa wax laga damqado in adeeggii dhakhsaha ahaa uu waayo. Adeegyada caafimaad ka ee goobaha wax lagu dabiibo ee dalkeenna aad baa looga dayriyaa meelo badan waana waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bulshada.
    Waa lagama maarmaan in talis iyo dadweynaba laga shaqeeyo hawshaas waayo ku xil haya iyo ku meherad gaar ah oo cusbitaal leh ba qof aan caafimaad u baahnayni ma jiro qof aanay qoyskiisa iyo naftiisa caafimaad darro lasoo deesayni ma jiro.
    Allah ha sahlo.

    ReplyDelete