Tuesday, August 1, 2017

Edna Adan Hospital Ma sidaan ku moodayay mise Sidaad noqotay!!!! W/Q Khalid Idan Yousuf



Waxay ahayd Abaaro 1:20 PM Maalinnimo Waxa aannu sidnay Gabadh xanuunsanaysa, waxaanu soo gaadhnay Kadinka hore ee Isbitaalka oo ay taallo Birta dheer ee Gawaadhidda loo dhigo. Waxa naga qaaday nin horjooge ka ahaa Albaabka Isbitaalka. Waxaannu soo aadnay Kadinka laga galo Qaybta Gargaarka Degdega ah(Emergency Department). Waxaannu Codsanay in la noo keeno Kursiga lagu riixo Dadka bukaanka ah. Wax yar ka dib waxa la noo keenay kursigii, Waannu saarnay gabadhii Gudaha hore ayaanannu u soogalinay.

Gudaha ayaannu soo galnay annaga oon garanayn meel  aannu ugu hagaagno cidda ay khusayso , ee wax noo qaban doonta.  Meesha waxa ka buuxa Hablyo yar yar oo gashan Dharkii dakhtaradda, Dirayska Cad.
Waxaannu Filaynay in lana caawin doono, balse kolba dhinac ayuunbaa la noo dhaafay, mar dambe ayay Gabadhi na gaysay Sariir,Halkan jiifiya ayay tidhi aan cid idiinku yeedhee”. Cidiba way nagu soo noqon wayday, Waxaan u yeedhay Mid ka mida hablihii meesha ka buuxay, waxaan u sheegay inaanu u baahanahay cid noo Cabirta Gabadha. Waxa noo yimid gabadh kale oo noo cabirtay.

Goorsheegtu markay ahayd 4:00 pm, Ayaannu go’aansanay in aannu Meesha ka qaadno Gabadhii. Kadinka markaannu marayno ayuunbaa lagu baraarugay, Waxa dhagahayga ku soo dhacay hal mar”Qoladdan baxaysaa xagay ku jireen, Dhakhtarkee u shaqeeyay, Faylkoodii mee”?. Hadda cidba nooma shaqayn ee kolbay Gabadhi na cabirtay. Waxa ii yeedhay Wiilkii Xafiiska hore fadhiyay, Waxa uu igu yidhi” $5 Keen Dhakhtar Heblaayaa Idiin shaqaysee”, Anna waxaan ku idhi sowtii cid noo shaqaysa aannu waynay.Balse Lacagtii waannu bixinay Dhakhtarkiina waannu ka soo baxnay..

Haddaba Edna Adan Hospital waxaan u haystay meel Shaqo wanaagsan, Oo dhakhtaro wanaagsan. Balse waxaan kala kulmay Waxaan loo noqon doonin.. Xero ullo badan oo Ul laqaato lahayn…

Saturday, January 21, 2017

Hadduu Maanta Duceeyo Wuu Badbaadayaa!

Waxa uu ku socday nin ay saaxiibbo ahaayeen, waxa dhexda ka soo raacay nin kale oo aanu garanayn. Waxa uu way diiyay waar xageed ku socotaa eed ii raacaysaa? Waxa uu ku yidhi “Malagbaan ahoo, ninka aad saaxiibka tihiinbaan nafta ka soo qaadayaa”. Ninkii waxa ku dhacay anfariir iyo yaab, waxa uu weydiiyay, inna Shimbir maleeyahay , oo maloo dhaafi karaa maanta. Waxa uu ku yidhi” Haddii marka aynu u tagno uu neef qalo oo uu duceeyo, dibaa loogu dhigi karaa”.
Haddaba markii ay gaadheen Reerkii, bariiddo iyo waraysi badan ka dib,Ninkii odayga ahaa waxa uu u yeedhay islaantiisii. Waxa uu ku yidhi”Adhiga Neef ka soo qabo aan nimanka u qalno”. Islaantiisii waxay ugu jawaabtay waar waa xilli-dambe oo waxba qali kari maynee nagadaa. Ninkii odayga ahaa siddii buu iskaga daayay ducaddii. Illeen waa nin aan badbaadayne.
Markii ay xilligii hurdada gaadhay ninkii odayga ahaa ee malagu dul joogay waxa uu tagay, Argdaagiisii oo ku yaalay Xerradda geella agtiisa. Saqdii dhexe ayuunbaa lagu war helay Ninkii oo qaylinaaya, Mise waaba mayd, oo waxa ku tuntay ama ku durduriyay arw geella ka mid ahaa.
#SADAQADDU_CIMRIGA_WAY BARAKAYSAA!!!
by:Khalid Idan Yousuf

Monday, January 16, 2017

TAAWARADDA SHIRKADDAHA IS GAADHSIINTA IYO KHATARAHA KU DUUGAN (DHAGARTA QARSOON).





Waxa jira shirkaddo badan oo bixiya adeegyadda is gaadhsiinta, kuwaasoo isticmaala Taawarro  tirro badan oo ku yaalla xaafaddaha dhexdooda. Haddaba dadku maxay ka ogyihiin khataraha faraha badan ee ay leeyihiin taawarradani. Inta badan bulshadeenu waxa ay u badan yihiin dad aan wacyi gashanayn, loona sheegin dhibaatada ka dhalan karta taawarraddan ay ku hoos nool yihiin.

Haddaba dhawaanahan waxa isa soo taraya dareenka ay bulshaddu ka qabto waxyeelada Taawarradda. Dad farabadani way ka guureen meelihii ay daganaayeen taawarrada awgood, Qaarkale waxa ay waayeen awood ay kaga guuraan gurigoodii, duruufaha awgood. taasi waxa ay ku tusinaysaa in hadda la dareemayo wax yeeladda taawarraddu ku hayaan bulshadeena.

Dadka Taawarradda ag dagani waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin badan sida: Dhalmo la,aan, faalig, madax xanuun iyo  Hurdo la,aan.

Bal yara akhriso Cilmi baadhisyadan laga sameeyay :

2003gii Cilmi baadhis ay sameeyeen Laba qof oo u dhashay Waddanka Francesku, oo lagu magacaabo R. Santini, et al in Rennes , waxa ay sheegeen in dadka ku nool 300 mitir  Anteenooyinka taawarrada ay ku dhacaan, xanuunaddani: Daal, Hurda yaraan, Madax xanuun, Xasuus la,aan, Khalkal maqalka ah, Dhibaatooyin Maqaarka ah iyo Wadna xanuun.

Isla sanadkan waxa isna cilmi baadhis uu sameeyay nin u dhashay wadanka Spanishu, uu sheegay in Dadka ku dagan ama ku nool 50-150 mitir saldhigyadda ama xarumaha Anteenooyinku ay ku dhaceen xanuunadani:  Madax xanuun dheeraad ah, Hurdo xumo, Amateed la,aan, Cun  cun iyo wareer.

2007kii Isna cilmi baadhe u dhashay wadanka Ingiriiska oo layidhaa, Dr. John Walker waxa uu sheegay
 in (Tower Radiations) shucaaca Anteenooyinku ay keenaan  Kansar ,Dhalmo yaraan iyo Dhiikar aad u sareeya.
 
Haddaba bulshadeenu waxa ay u baahan tahay, in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay shirkadaha , isgaadhsiinta ugu khasbi lahaayeen in xaafadaha laga dhexsaaro Taawarada.


©Khalid idan Yousuf