Sunday, December 25, 2016

BARIGAAN TIMAHA LAHAA.

Waxa uu ahaa wiil dhalinyaro ah, ilaahay waxa uu ku manaystay timo wanaagsan. Balse waxa kaga dhacday bahasha ragga lagu salidday ee Bidaarta, Intii aanay bidaartu asiibin waxa uu iska qaaday Taswiir ama Sawir.  
Haddaba isaga iyo Haasaawihii hablaha ayay dhib kala qabsatay. Habluhu ma jecla ragga bidaarta leh, marka uu Gabadh u hasaawe tagaba waxay ku tidhaahdaa “Waar dee walal ninweyn oo bidaarle baa tahaye”. Markii dambe waxay Dani ku kaliftay inuu sii qaato sawiirkii uu timaha lahaa, “ Bal eeg  sawirkan  barigii aan timaha lahaaye, sidan baan u eekaaye”
Bidaari Sawir qaadasho kaagama go,do.

©Khalid idan

Saturday, December 24, 2016

CAMBAARAYN CIDDA WADDA FALALKAN WAXSHINIMADDA AH.

Waxa maalmahan inagu soo badanaya, Falalka aan caadiga ahayn ee lagula kacaaayo Qaar kamidda Madaxda Xisbiyadda Qaranka.
Baalaayo Madax la qabto ayay leedahaye mijo la qabto malaha, markaa waxan odhan lahaa waa in meel looga soo wada jeesto shacab iyo dowladba.

Falalkan waxa wadda cid aan Nasteexo u ahayn Qarankan barakaysan iyo Xisbiyadda Tartamaya midna. Oo doonaysa in ay dhalinyaraddu isku dhacdo, oo taageerayaasha xisbiyaddu isku dhacaan.

Haddaba Maxaa inala gudboon Dhalinyaro Ahaan?
Waa inay dhalinyaraddu ka fiirsato waxan dhacaaya, oo aanay buun buunin, caadifadaynin, colaadna isku qaadin.
waayo waxani way iska dhammaanayaan oo waxyaabo ka waaweynbaa laga soo gudbay.

Siyaasiyiinta iyo xisbiyaddana waxaan leeyahay waa inaan la siyaasadaynin arimahan, cid gaarana lagu eedaynin, ilaa inta war saxa laga helaayo Cidda ka dambaysa.

ugu dambayn waxan illaahay uga baryayaa sxpkay Maxamed Siddiiq Dhamme iyo Barkhadba inuu ilaahay nabar gardarro uga dhigo.

WA BILAAHI TOWFIIQ
©Khalid Idan Yousuf