Wednesday, November 9, 2016

DAMBIGEEDAA BADNAA

Waxa la geeyay Magaaladda si uu wax u barto, Reerkoodu waxa uu ahaa reer guuraa. Waxbarashadda waxa uu ka bilaabay Dugsiga hoose dhexe, ilaa Heer jaamacadeed. Markii uu Jaamacadda dhameeyay waxa uu Fasax u tagay Reerkoodii. Reerku waxa uu dagan yahay meel tuulo ah oo reero badan ayay wada Dagan yihiin .

Markii uu Dhawr bilood halkaa canaaha Dhamayay , dadkuna Soo wada siyaarteen.Ayay Gabadh Dadkii tuuladda ka mid ihi Geeriyootay.Waxa loo diyaar garoobay Qodidii Xabaasha iyo diyaarintii xabaal qodka, markii la dheeyay xabaashii, waxa la Soo qaaday maydkii sidii caadadu ahayd. Misna Waxa la bilaabay in lagu tukado Maydka. waxa loo yeedhay Wiil kii Jaamacadda Ka soo baxay, Odayaashii reer baadiyaha ahaa waxa ay ku yidhaahdeen, Jaamiciga ayaa Salaatul Jinaasadda ina tujinaaya.

Arinku jiq ayuu ku noqday Ninkii jaamiciga ahaa, Nin qoyani biyo iskama dhawree, Salaaddii ayuu bilaabay. Afar Ragcadood Oo Rukuuc iyo Sujuudle ayuu tujiyay dadkii. Salaaddii markii laga baxay Ayuu oday , odayaashii ka mid ahaa yidhi” dee malaha Salaatal Jinaasaddu ,Rukuuc iyo Suujuud midna may lahyn.

Wiilkii Jaamiciga ahaa waxa lagu yidhi adeer Salaadda waad khaladay Misna waa lagu Qayliay. Waxa uu ku yidhi, anigaa idiin sheegaya sababta Aan sidan ugu tukaday. Marxabba ayay yidhaahdeen Reer baadiyihiina. Wxa uu ku yidhi” Dambigeedaa badnaayoo sidaanaan Rukuucda iyo Sujuudaba u raaciyay.

Jaamici aan Saaladda Jinaasadda garanayn.

W/Q:Khalid Idan Yousuf

Sunday, November 6, 2016

Igu Saabsan

Mudane/Marwo, Ku soo dhawoow barta aan ku leeyahay Internetka. Magacaygu waa Khaalid Iidaan Yuusuf . Bartan waxa aan ugu talo galay in aan ku baahiyo qoraallada iyo afkaarta aan jeclahay in aan dadka la wadaago. Qoraallo isugu jira Sheekooyin, Maqaallo, Suugaan iyo Odhaaho ayaad ka dhex heli kartaa baradan. Talo, tilmaan iyo tusaale iigu soo hagaaji: kaahin124@gmail.com Barada Facebook: Khalid Idan Yuosuf