Monday, January 16, 2017

TAAWARADDA SHIRKADDAHA IS GAADHSIINTA IYO KHATARAHA KU DUUGAN (DHAGARTA QARSOON).





Waxa jira shirkaddo badan oo bixiya adeegyadda is gaadhsiinta, kuwaasoo isticmaala Taawarro  tirro badan oo ku yaalla xaafaddaha dhexdooda. Haddaba dadku maxay ka ogyihiin khataraha faraha badan ee ay leeyihiin taawarradani. Inta badan bulshadeenu waxa ay u badan yihiin dad aan wacyi gashanayn, loona sheegin dhibaatada ka dhalan karta taawarraddan ay ku hoos nool yihiin.

Haddaba dhawaanahan waxa isa soo taraya dareenka ay bulshaddu ka qabto waxyeelada Taawarradda. Dad farabadani way ka guureen meelihii ay daganaayeen taawarrada awgood, Qaarkale waxa ay waayeen awood ay kaga guuraan gurigoodii, duruufaha awgood. taasi waxa ay ku tusinaysaa in hadda la dareemayo wax yeeladda taawarraddu ku hayaan bulshadeena.

Dadka Taawarradda ag dagani waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin badan sida: Dhalmo la,aan, faalig, madax xanuun iyo  Hurdo la,aan.

Bal yara akhriso Cilmi baadhisyadan laga sameeyay :

2003gii Cilmi baadhis ay sameeyeen Laba qof oo u dhashay Waddanka Francesku, oo lagu magacaabo R. Santini, et al in Rennes , waxa ay sheegeen in dadka ku nool 300 mitir  Anteenooyinka taawarrada ay ku dhacaan, xanuunaddani: Daal, Hurda yaraan, Madax xanuun, Xasuus la,aan, Khalkal maqalka ah, Dhibaatooyin Maqaarka ah iyo Wadna xanuun.

Isla sanadkan waxa isna cilmi baadhis uu sameeyay nin u dhashay wadanka Spanishu, uu sheegay in Dadka ku dagan ama ku nool 50-150 mitir saldhigyadda ama xarumaha Anteenooyinku ay ku dhaceen xanuunadani:  Madax xanuun dheeraad ah, Hurdo xumo, Amateed la,aan, Cun  cun iyo wareer.

2007kii Isna cilmi baadhe u dhashay wadanka Ingiriiska oo layidhaa, Dr. John Walker waxa uu sheegay
 in (Tower Radiations) shucaaca Anteenooyinku ay keenaan  Kansar ,Dhalmo yaraan iyo Dhiikar aad u sareeya.
 
Haddaba bulshadeenu waxa ay u baahan tahay, in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay shirkadaha , isgaadhsiinta ugu khasbi lahaayeen in xaafadaha laga dhexsaaro Taawarada.


©Khalid idan Yousuf

No comments:

Post a Comment